February 27, 2015 | Posted by admin

Rag hubeysan oo aan heybtoodu la garanayn, ayaa galabta waxay nin ganacsade ahaa ku dileen xaafada Hawlwadaag, ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ganacsadaha oo dadka deegaanka ka mid ahaa, ayaan la aqoon waxa keenay inay dilaan raggaasi, sidoo kalana lama garanaayo cidda ay ka tirsan yihiin kuwa wax dilay.

Nin kale oo dadka deegaanka ka tirsanaa oo doonaayay inuu u gurmado marxuumka, ayaa waxaa rasaas ku soo furay dembiile-yaasha, waxaana la tilmaamay in dhaawac uu ka soo gaaray.

Ciidanka Dowladda, ayaa xaafada Hawlwadaag ku baxay, xili ay cagaha wax ka dayeen kuwii dilka geystay, mana u suurta gelin inay gacanta ku soo dhigaan.

Maamulka Gobolka Hiiraan wax war ah kama aanu soo saarin dilka ninka ganacsadaha ah. Waxayse ku soo aadeysaa, iyadoo toddobaadkii hore xaafadaasi lagu dilay ganacsade caan ka ahaa Baladweyne, oo lagu magacaabi jiray Xaaji Cumar Maxamud Nuur (Xaaji Quuroow).
– See more at: //universalsomalitv.net/infusions/media/post_somali_6334#sthash.boiU62jw.dpuf

COMMENTS