April 21, 2014 | Posted by admin

Rag aan heybtoodu la garanayn, ayaa galabta waxay Suuqa weyn ee Bakaaraha ku dileen nin dhalinyaro ah, xilli la sheegay in uu maraayay Wadada Labaad ee Bakaaraha.

Ragga dilka geystay oo tiradoodu lagu sheegay ilaa laba nin, ayaa qaarka hore rasaas kaga dhuftay marxuumka, waxayna dilka kadib ka baxsadeen halkii ay ku dileen.

Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala Suuqa Bakaaraha oo tagey halka lagu dilay marxuumka, ayaa waxay ka sameeyeen hawlgal ka dhan ah kuwii dilka geystay, balse uma aynaan suurta gelin in ay soo qabtaan dambiile-yaasha.

Ciidamada waxay halkaasi ka qaadeen meydka ninka la dilay, oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Caamir, kana tirsanaa Ururka Dhalinyarada ee Qaranka.

Majirto wax war ah oo dilka ninkaan ay ka soo saareen Hay’adaha ammaanka iyo Maamulka Degmada Hawlwadaag, iyadoo dilkaan aanu noqonayn markii ugu horeysay oo uu Bakaaraha ka dhaco, inta lagu guda jiro bishaan April.

COMMENTS