December 7, 2012 | Posted by admin
Magaalada Hargeysa

Shan qof ayaa dhimatay lix qof oo kalena way dhaawacmeen kaddib markii ay rabshado ka dhashay doorashada golaha deegaanka ay ka dheceen magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Isku dhacyada ayaa la sheegay inay dhex mareen ciidamada booliska maamulka Somaliland iyo taageereyaasha xisbiga Xaqsoor oo dhaliilsan natiijada doorashadii dhacday 28-kii bishii hore.

Hoggaamiyeyaasha iyo maamulka xisbiga Xaqsoor ayaa ku eedeeyay xisbiga talada haya ee Kulmiye inuu ku shubtay codadka doorashooyinka.

Rabshadaha badankood waxay ka dheceen xaafadda Axmed Dhagax oo Hargaysa ka tirsan.

Wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, wasiirka warfaafinta Abiib Diiriye Nuur (Timacadde) oo deegaannkaas ka soo jeeda iyo xubno sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayuu maamulka u diray halkaasi si xiisadda loo qaboojiyo, sida uu qoray wargayska Haatuf ee ka soo baxa Hargaysa.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay natiijadii doorashada goleyaasha deegaanka magaalada Hargeisa.

Doorashada waxaa kaalinta koowaad ka galay xisbiga talada haya ee Kulmiye oo toddobo wakiil helay, iyadoo min afar wakiil ay heleen xisbiga Waddani oo axsaabta cusub ka mid ah iyo Ucid oo axsaabta waawayn ku jiray.

Xisbiga Udub oo xisbiyada ugu waaweyn maamulka Somaliland ayaan ka qaybgalin doorashadii dhacday dhammaadkii bishiii hore kaddib markii ay ku eedeeyeen guddiga doorashooyinka caddaalad-darro.

Xubno badan oo xisbiga Udub ku jiray ayaa ku biiray xisbiyada kale ee doorashada ka qaybgalay, taas oo shaki galisay sii jiritaanka xisbiga oo hoggaanka maamulka Somaliland horay u soo qabtay.

COMMENTS