July 26, 2014 | Posted by admin

Muqdish0- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo qorshe maamul ay ku nooqnayan Galgaduud iyo Koonfurta Mudug oo Galmudug ay ka arrimiso.

Waxuu sheegay in tallaabadana ay tahay mid la doonayo in dalka looga hirgaliyo nidamka faderaalka oo dalka lugu wado in laga sameeyo maamullo hoos taga dowladda Soomaaliya,kuwaaso oo ugu yaraan ka koobnan doona labo gobol.

“Waxaa la samayn doono maamul KMG ah oo ay ku mideysan yihiin maamullada ka jira gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug ee bartamaha Soomaaliya,”ayuu yiri ra’iisal wasaaraha Soomaaliya isagoo la hadlayey radiyaha ku hadla afka dowladda.

Cabdiweli Sheekh waxaa uu soo hadal qaaday in magaalada Muqdisho uu ka socdo shirar ay qaadanayan dhinacyo ka socda deegaannada la doonayo in maamulka loo sameyo ee Galgaduud iyo Koonfurta Mudug.

Ugu danbeyn,waxuu sheegay ra’iisal wasaare Cabdiweli in la dhammaystiri doono dhismaha maamullada dalka, marka uu haw-galo guudiga madaxa bannaan ee arrimaha federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa qaadatay nidamka maamullada oo la doonayo gobollada dalka in laga hirgaliyo,balse muran iyo dagaallo ayaa ka dhashay dhismaha maamullada Jubba iyo kan Koonfur-Galbeed Soomaaliya oo xilligan ay dolwadda ku howlan-tahay xalinta diidmada qar ka mid ah siyaasiyinta ka soo jeeda gobollada Koonfur-Galbeed .

COMMENTS