February 1, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Hal qof oo rayid ah ayaa geeriyooday, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii xalay saddex nin oo bastoolado ku hubeysan ay weerar ku qaadeen dhallinyaro ku sugneyd xaafadda Geed-jaceyl ee degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Wiilka weerarkaasi lagu dilay ayaa la sheegay inuu la shaqeyn jiray gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo labada kale ee dhaawacmayna ay ahaayeen dhallinyarada xaafadda, sida ay saxaafada u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in raggii falkaasi dilka ah geystay ay goobta ka baxsadaan. Illaa iyo hadda lama oga sababta weerarkaasi loogu qaaday dhallinyaradaasi oo la sheegay inay xilligaasi ku sugnaayeen goob lagu ciyaaro Play Station-ka (Game) ama aalada lagu dheelo Kompuyuutariska.

COMMENTS