July 5, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka hiiradii lagu arkay magaaladaas nin la gowracay oo la soo dhigay meydkiisa meel dhow KM u jira magaaladda .

Dadka ku dhaqan Ceelbuur iyo deeganada kale ee ku teedsan ayaa arrintan ka argagaxay, waxana ay sheegen in ay tahay wax ku cusub degmada Ceelbuur oo dhawaan ay isaga baxeen Ahlu Sunna iyo ciidamo Ethiopian ah oo ku sugnaa.

Magaalada waxa ka arrimiya hadda Al-Shabaab oo dagallo xoggan kula jira Ahlu Sunna iyo ciidamada Ethiopia, mana jiro wax war ah oo ay ka soo saareen dhacdadan ku saabsan meydka ninka qoorta laga gowracay ee saaka lagu arkay deegaanka Bargaan oo hoos taga Galhareeri oo ka tirsan Ceelbuur.

Laakin Ahlu Sunna ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab oo sheegey in ninkaas ay gowraceen falkaasna ay iyaga sameeyaan sidoo kalena ninka la gowrcay uu ahaa dadka deeganka.

Taliyaha ciidamada Ahlu Sunna ee degmada Ceelbuur Cabdi Xasan Maxamed ayaa sheegay ninka lagu arkay Ceelbuur isagoo gowracay in lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Barre uuna ka mid ahaa culimaa’uddiinka degmada.

Wuxuu sheegay in falkaas uu ka baxsan bini’aadannimada uuna yahay falalka lagu yaqaan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu ku goodiyay in dhawaan ay dib u qabsan doonaan Ceelbuur si ay u badbaadiyaan dadka rayidka ah oo uu tilmaamay inay dhib xoggan ku hayaan ururka Al-Shabaab.]

Si kastaba, ma cadda warkan ka soo yeeray Ahlu Sunna ee ku aadan in ninkaas ay gowraceen Al-Shabaab, iyagana kama hadlin, labadan urur dagaallo ayey dhowr ku dhexemaray gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

COMMENTS