February 6, 2013 | Posted by admin

Warqado ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha ee UK ayaa shaaciyey habka iyo qodobada uu ku salaysanyahay shirka Somaliya loogu qabanayo London bisha May todobadeeda. Shirkan ayaa ah mid ay si wada jir ah u shirgudoomindoonan labada dowladood ee Somaliya iyo UK, Qodobada shirkan lagaga hadlidoono ayaan guud ahaanba waxba ka khusaynin Somaliland, maadama shirkani yahay mid diirada lagu saaaryo sidii loo garab istaagi lahaa dowlada cusub ee Somaliyi sidii ay cagaheeda ugu istaagilahayd ee ay u dhisan lahayd ciidan meleteri, boolis, ciidanka badaha, maxkmado cadaaladeed iyo ilaha ilaalinta dhaqalaha.

Hadaba wax isweydiin leh sababta uu wasiirka arimaha dibada Somaliland uu afka uga xidhay inuu ka hadlo maadama uu hore u yidhi somaliland waxay go,aan keeda sheegidoonaa marka ay soo baxaan qodobada shirka looga hadlidoono. Warbixintii oo soo baxday 25kii January 2013 ayaan afsomali idiinku soo turjunay. Halkan hoose ka akhriso.

Shirka Somaliya ee May 2013

Warbixintu waxay ku bilaabantay UK iyo Somalia waxay ku heshiiyeen in si wada jir ah Somalia shir loogu qabto UK 7th May 2013. Ujeedada shirkan laga leeyahay ayaa la yidhi waxa weeyi in Dowlada Somaliya loo helo taageero caalamiya waxyaabaheega ug muhiinsan inay wax ka qabato ee dibu dhiska dalka si ay cagaheeda ugu istaagto

1. Waa maxay ujeedada shirkan laga rabo inay ka soo baxaan

Shirkana waxa loogu talo galay inay Dowalada Somalida ka caawiso sidii ay u meel marin lahayd qodobada ugu muhiinsan inay wax ka qabato ee la calaamadiyey sida dibu dhiska ciidankeeda meleteriga, booliska, ciidmada bada, maxkamadaha iyo cadaalada iyo hayadaha ku shaqad leh dhinaca ilaalinta dhaqaalaha.

2. Waa maxay sababta keentay in xiligan shir caalamiya loo qabto Somaliya

Sababtan keentay in hada shirkale loo qabto somaliya ayaa ka danbaysay ka dib markii somaliyi yeelatay baarlaman ay soo xuleen odayaasha dhaqanku isla markaasna ay doorteen madaxweyne cusub sidaas darteed somaliyi waxay yeelatay dowlad sax oo sharci ah marka loo eego dowladahii ka horeeyay ee mudadii la soo dhaafay la soo dooranayey, dhinaca kale waxa laga awood roonaday kooxdii argagaxisada ahayd ee al shabaab oo inta badan laga saaray magaalooyinka waaweeyn ee Somaliya. Waxaana dhiirigelin gashay dadkii qurbojooga ahaa oo dalkii ku soo laabanaya. Isbedelkii dhacay sanadkii la soo dhaafay waxay kor u qaaday fursada dibudhiska nabadgelyada iyo deganaanshaha, isla markaasna dowlada Somalida ayaa codsatay in laga taageero sidii ay u meelmarin lahayd qodobada ugu horeeya ee ugu muhiimsan inay wax ka qabato.

3. Yaa ka soo qaybgelaya shirka?

Shirka waxa ka soo qaybgelidoona qaar badan oo ka mid ah wadamada jaarka ah iyo kuwa gobolkaba, iyo wadamada caalamka ahba. Haseyeeshee UK iyo Dowlada Somaliya ayaa ka heshiindoona cida lagu soo casuumidoono inay ka qaybqaataan shirkan.

4. Qurbojooga Somalida ee UK shirka ma ka qaybgelayaan

Somalida qurbojooga ah waxay had iyo jeer qayblibaax ka qaataan horumarinta iyo dibudhiska dalkooda, sanado badan somalida aduunka ku kala nooli waxay u direen dalkooda lacag xataa ka badan lacagaha aduunka iyo hayadahu ku caawiyaan Somaliya. Markaa maadama UK ay dowlada somaliya shir si wada jir ah u soo diyaarinayaan, dowlada UK aad ayay u danaynaysaa in taladooda la maqlo qurbojooga u diyaarka ah inay sii wadaan inay wax ka qabtaan dalkooda, sidaas darteed waan la xidhiidhidoona sidii aanu u helilahayn jaaniskooda markuu shirku soo dhowaado.

5. Shirkani ma yahay mid runt ahaantii lagu caawinayo dadka Somalida

Shirkani waa mid caawindoona dadka somalida sababtoo ah wuxuu noqonayaa mid aduunka oo dhan ku xidha oo ay dabada ka riixaan dowlada somaliya sidii ay u hirgelinlahayd hindisaheega ugu muhiimsan ee inay wax ka qabato dibu dhiska ciidanka meletriga iyo booliska, ciidamda badaha, cadaalada iyo dhisida ilaalinta handitda ummada. Sidaas darteed aduunweynahu wuxuu diyaar u yahay inuu taageero dowlada Somalida maadama ay bilowday inay wax ka qabato waxyaabahii keenayey degaanaan la,aanta iyo nabadgelodarada, oo ay dadkeeda wax u qabato isla markaasna ay dib u soo noolayso dhaqaalahii dalka. Somaliya oo cagaheeda isku taagta oo degta waxay yaraynaysaa khatar ka iman karta dhibaatooyin dabiiciya oo ku dhaca dadka, sida abaaraha.

Sanadkii hore abaarahii waxay isku bedeleen gaajo iyo darxumooyin sababtoo ah deganaansho la,aanta iyo dhibaatooyinkii taagnaa. Inkastoo gaajooyinkii laga baxay bishii February 2012 hadana in ka badan laba milyan oo Somali ah ayaa weli gaajoonaya oo cawimooyin joogta ah u baahan.

6. Waa maxay sababta UK u danaynayso Arimaha Somaliya

Wixii ka dhaca gudaha somaliya wuxuu saamayn ku leeyahay meelo ka baxsan xadadkeeda. Somaliya oo laga caawiyo si ay dib uga soo noqoto dowlad la,aantii iyo burburkii waxay caawinaysaa in nabadgelyada dalku ay roonaato, isla markaasna ay hoos u dhigto burcad badeedka iyo argagaxisda, isla markaasna ay soo laabtaan qaxootigu, sidaas darteedna malaayiin Somali ahi ay nolashoodu ka soo rayso, isla markaasna dalalka la jaarka ahina ay nabadgelyo helaan. Guud ahaan UK waxay ku yaboohday £63 milyan oo gini una dhiganta $98 milyan oo dollar sanadkaste si loola dagaalamo oo xididada loogu siibo saboolnimada iyo dagaalada ka jira somaliya. Ilaa 2015 ka Caawimada UK waxay caawindoontaa dibu dhiska meelaha muhiimka ah ee adeegyada dowlada, in 45 kun oo qof ay shaqooyin helaan, in 3000 oo dumar ahi ay sharci iyo cadaalada helidoonan, in 20 kun oo caruur ahi ay school helaan.
In la dhiso wadooyinka iyo xarumo caafimaad si ay somalidu u hesho fursadaha ay u baahanyahiin sidii ay iskaga saari lahayeen saboolnimada.

COMMENTS