March 22, 2017 | Posted by admin

Ergeyga Qaramada
Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal
Keating ayaa soo dhoweysay Golaha Wasiirada
cusub ee uu shalay magacaabay Ra’iisul
Wasaaraha Soomalaiya Xasan Cali Kheyre.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Keating
ayaa lagu taageeray xukuumadda cusub iyo
xubnaha ka dhex muuqda, gaar ahaan doorka
Haweenka laga siiyay.
Mr Keating ayaa si gaar ah u bogaadiyay in Lix
haween ay qeyb ka yihiin Golaha Wasiirada,
taasoo ah markii u horeysay taariikhda Gole
Wasiiro ku yeeshaan tiro intaas ka la eg.
Waxaa uu sheegay in Xukuumadda cusub kala
shaqeyn doonaan howlaha hor-yaala iyo
xaaladaha dalka ka jira ee ammaanka, horumarka
iyo wax ka qabashada abaarta.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shalay
soo dhisay Gole Wasiiro oo isugu jira Wasiir,
Wasiiru dowlayaal iyo Wasiir kuxigeeno ka
kooban 67 xubnood, waxaana ay sugeysaa in
Baarlamaanka ansixiyo, si howlaheeda ay u guda
gasho.

COMMENTS