December 6, 2016 | Posted by admin

War qoraal ah oo ka soobaxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu Taageeray Doorashada Xubnaha aqalka Hoose ee ka imaanaya Beelaha Waqooyi ee Muqdisho ka bilaabatay.

Qaramada Midoobe waxa ay Soo dhawaynaysaa  Doorashada Xubnha Beelaha waqooyi ee Muqdisho ka socota, waxaana si Gaar ah ugu Mahad celinaynaa Gudiga Doorashooyinka Dad-ban ee Soomaaliya oo xil wayn iska saaray sidii loo dhaqan gelin lahaa Doorashooyinka Dalka.

Gudiga Doorashooyinka dalka waxa ay qabteen Howla Muhiim ah waxaana ku Amaaneenaa Shaqada wanaagsan ay qabten.

Xildhibaanada Ka imaanaya Beelaha waqooyi ee lagu Doortay Muqdisho iyo kuwa wili aan la dooran waxaan ku amaaneenaa Shaqadooda iyo sida ay uguteen waajibaadka dalka ka saaran.

Qaramada Midoobay waxay aad ula dhacsan tahay Doorashada Xubnaha aqalka Hoose ee Ka dhacaday Xarumaha Maamul Gobaleed-yada dalka qaar kood iyo kuwa wili ay socoto doorashadooda.

Gudiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya waxaan ugu Baaqaynaa in ay xaliyaan Caqabadaha Yar yar ee wili Muuqda sidaasi ayaa lagu yiri war qaraal ah oo Maanta ka soo baxay Xafiiska Q/M ee Soomaaliya.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS