July 3, 2015 | Posted by admin

Goobjoogayaasha Qaramada Midoobay ayaa waxa ay dhaleeceeyeen doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa dowladda hoose ee Isniintii ka dhacday dalka Burundi.
Goobjoogayaasha ayaa sheegay in xaaladda ka taaganeyd deegaanka aanay u sahlayn in la qabto doorasho xor ah, lagu kalsoonaan karo oo misana loo dhan yahay.
Kaddib markii uu madaxweyne Pierre Nkurunziza ku dhawaaqay dabayaaqadii bishii Abriil in uu u tartami doono xilka madaxtinimada, ayaa tobaneeya qof lagu dilay dibadbaxyo, sidoo kalana waxaa dhicisoobay iskuday afgambi.
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay, Farhan Haq, ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku booriyay hogaamiyayaasha Burundi in nabadda ay ka hormariyaan siyaasadda.
Doorashadan oo ay qaadaceen mucaaradka, ayaa lagu qabtay waxa ay Qaramada Midoobay ugu yeertay xilli ay jirto cabsi baahsan iyo cagajuglayn ka socotay qeyba ka tirsan dalka.

COMMENTS