November 8, 2017 | Posted by admin

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in jawaab falcelin ah laga bixiyo falalka burcad-badeednimada iyo dhaca hubaysan ee ka socda xeebaha Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo qaraarkan qaatay Talaadadii shaley aheyd ayaa ku baaqay in si buuxda wax looga qabto lana joojiyo falalka noocaas ah.

Golaha 15-ka xubnood ee QM ayaa sidoo kale ku boorriyay mas’uuliyiinta Soomaalida, in ay sii wadaan ballaarinta Maraakiibta la dagaallanka burcad-badeednimada iyo shuruucda Badda, si loo abuuro ciidammo amniga oo leh kaalin cad oo ay ku xukumaan fulinta sharciyadan.

“Inagoo kaashanayna Hay’adaha Caalamiga ah ee lugta ku leh arrimahn, si ay u ansixiyaan sharciyo, loona fududeeyo xukunka burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya, Dowladaha xubnaha ka ah QM waxaan ka codsaneynaa in arrimahan ay inagala shaqeeyaan.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Golaha Ammaanka.

Golaha wuxuu sidoo kale ammaanay dadaalka Ciidamada Badda ee Midawga Yurub (EUNAVFOR) Hawlgalka ATALANTA, dadaalada lagula dagaallamayo burcad-badeednimada ee Midowga Afrika iyo dhaqdhaqaaqa badda ee Koonfurta Afrika ee Horumarinta, iyo sidoo kale dadaalada ay wadaan dowladaha kale.

 Maxamed daacad Muqdisho.
Mxuseen973@gmail.com.
COMMENTS