July 12, 2015 | Posted by admin

Nabi Ciise c.s.w, waxuu fir ahaan ka soo jeeda Qoyskii ibraahim .. reer ibraahim-na waxay ka kooban-yihiin ilmo ismaciil,ilmo isxaaq iyo reer Cimraan .. Reer Cimaraana waxay ka kooban-yihiin Maryam iyo Ciise .. Cimraana waa maryan Aabaheed .. Reer Cimraan fir ahaan waxay ka soo jeedaan firka Daauud c.s.w.

Marayan hooyadeed waxaa la oran-jiray Xannah,waxay ahayd haweyney Alle ka cabsi badan oo suuban .. waqtigaasna Zakariya c.s.w ayaa ahaa Nabi oo si qori tuura ku helay inu isagu kafaalo qaado daryeelka Marayam .. maryan waxay ka bixi-jirtay masjidka waqtiga caadadeeda, ama marka ay leedahay dano kale, sida iney soo qaadato raashin ama biyo markii ay u baahato. markii ay meel mareysay waxaa ka soo hor baxay horteeda jibriil isagoo leh muuqaal nin caadi ah, weyna cabsatay oo tiri waxaan kaa magan galay Alle raxmaanka .. wuxuu u sheegay iney amar alle ku qaadi-doonto uurka wiil daahir ah, iyadoo aan wax galmo ah la sameyn nin.

Sida Quraanku leeyahay, malaaiig ayaa u timid Maryan, oo ugu bishaareeyey inuu Alle doortay oo ka kor yeelay dhamaan hawenkii waqtigedaas, oo loo doortay arin gaara oo ah dhalmo mucjiso ah inu ka beermi-doono wiil

Maryam sida ay ku qaaday Uurka, waxay sheegeen in Jibriil uu afuufay jeebka cambuurkeeda, neefta waxay gashay ilmo-galeenkeeda oo u martay farjigeeda, sidaas bay ku qaaday uur.

Markay maryan uur qaaday wey muraal-dilaacaday oo walwal ku abuurmay, waayo waxay dadka ka oran doonaan arinkaan baa ku adkeyd markay ogaadaan .. Dadkii ayaa markii ay arkeen iyado ilmo sidata ku yiri: Maryaney waxaad la timid wax aan la maqal oo weyn oo yaab leh, dabeeto markii la rumeysan-waayey oo arinti cuslaatay waxay wiilkaan yar la hadla .. waxayse yiraahdeen sidee baan ula hadli-karnaa mid murjuc ah oo dhabta lagu hayo.

Injiilka: Tawreeda waxaa la soo dajiyey 6-di bisha ramadaan ..Sabuurna waxaa la soo dajiyey 12-kii Ramadaanka, 482 sano kadib Towreedka .. Injiilka waxaa la soo dajiyey 18kii Ramadaanka 100050 sano kadib Zabuurka .. Quraanka waxaa la soo dajiyey 24kii Ramadaanka.

Ciise waxaa la siiyey Injiilka isago 30 jir ah, wuxuuna noolaa ilaa loo qaaday samada isagoo sodon iyo sadex jir ah .. Ciise wuxuu lahaa mucjisooyin badan oo gaar ah, tusaale ahaan, waxaa la dhalay aabe la’aan, ruuxdiisa waxaa toos ugu afuufay maryan malag jibriil. waxaa la siiyey kitaab (waxyi) iyo nabinimo, oo la baray towreedka iyo injiilka .. waxaa intaa dheer oo la siiyey xag alle awooda muujinta mucjisooyinka aan caadi ahayn sida: inu ka sameeyo dhoobo suurad shimbir, oo dabeeto ku afuufo naftiisa, oo sidaas ku noqoto shimbir run ah, ama inu buskeeyo qof ku dhashay indho la’aan, iyo inu beskeeyo kuwa qaba Baraska, wuxuu sido kale galiyey nolol dadka meytan.

Waxaa la sheegay in mucjiso la siin jiray nabi kasta ay ahayd mid waafaqsan waxa ay dadka waayahaas ku sareeyeen. tusaale ahaan Muuse waxaa la siiyey mucjiso la tartami-karta kana sareyn karta fanka sixirka ay dadkiisu ku xeel-dheeraayeen .. Ciise waxaa la soo diray waqti ay dadku u sareeyeen cilmiga daawada. markaasaa waxaa la siiyey awooda buskeynta qof ku dhashay indho la’aan ama baras-qaba oo ma jirin nooc daawada ka mid ah oo biskeyn jirtay sidaas mucjisada ah.

Sido kale bey ahayd xagga nabigeeni maxamed s.c.w. waxaa la soo diray waqti ay dadku ku dheereeyeen suugaanta iyo gabayada, markaas baa waxaa lagu soo dajiyey Qur’aanka oo ka sareeyey dhamaan wixii ka dambeeyey oo aan isagoo kale cid keeni kartaa jirin.

Ciise wuxu ahaa kii ugu dambeeyey anbiyadii reer israaiil. wuxuu uga waramay imaanshaha guura-dambeyskii anibiyada iyo rususha, oo isaga kadib nabinimada la soo af jaray, uma sheegin oo kaliya imaanshihiisa, ee wuxuu xitaa u sheegay magaca nabiga wuxuu kaga waramay calaamado cad u leeyahay ay ku aqoonsadaan.

Qisadi Xeerada: Nabi Ciise c.s.w. wuxuu amray xertiisi iney soomaan 30 maalmood, markii ay dhameeyeen sodonkii, waxay ka codsadeen ciise inuu u keeno xeero ay ka buuxdo raashin oo laga keenay cirka si ay wax uga cunaaan. waxay kalo doonayeen iney maalintaas ahaato ciid soon-fureed ay leeyihiin dhamaan reer bani israaiil .. Ciise waa u ka waaniyey dalabkaas oo kale iney dalbaan oo ka baqay ineyn ka mahad celin ama ka soo bixi-waayaan shuruudeeda. xerti wey ku adkeysteen dalabkooda .. Ciise wuxuu Alle ka baryey inuu ka soo dajiyo xeero ay ka buuxdo raashin xagga cirka .. Markaasu Alle ka soo dajiyey daruuraha. Ciise wuxuu eegay iyadoo soo dageysa oo sii waday baryada alle inu ka yeelo naxariis iyo barako xagiisa ah oo aysan noqon wax lagu ciqaabo .. waxay u soo dagtay si aayar ah, weyna daboolneyd ila ay ku soo dagtay ciise hortiisa. wuxuu daboolki ka qaaday miiski, isagoo leh: bismilaah, waxayna ka koobneyd todobo qaybood oo kaluun ah, iyo todobo xirmo oo rooti ah, iyo miro iyo faakiho badan .. ciise wuxuu ka dalbay iney cunaan, weysa diideen oo waxay yiraahdeen adigu bilaawo .. markaas ayaa ciise martiqaaday kumanyaal dad oo wada fuqoro ah oo qaarkood wada jiran yihiin .. markay cuneen ayey cuntaadi kuwi jiranaa ku daawoobeen, kuwi diiday iney cunaana wey ka xumaadeen markay arkeen in cuntadi lagu daawoobay oo biskoodeen .. munaafaqiinti ayaa bilaabay si aan xaq ahayn iney ka hadlaan Ciise, markaas baa la joojiyey cuntadi la soo dajin-jiray, oo iyagi laga yeelay daanyeero iyo doofaaro

COMMENTS