November 29, 2012 | Posted by admin

DUHUR-24 kii saac ugu dambeeyey waxaa magaalada muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya ka dhaqan galay hadalkii madaxweynaha ee ahaa in la qaado isbaarooyinka lacagaha sharci darada ah looga qaado Gaadiidleyda.

Degmada Afgoye Ee Gobolka Shabeelada hoose oo ah meelaha lacagaha sharci darada ah looga qaadi jirey Gaadiidka Gaar ahaan Baar simaaciil  ayaa waxaa Galabta laga qaadey isbaaradii taalay Degmada Afgoye  ee Gobolka Sh.Hoose.

Gudomooyihaa Degmada Afgoye Cabdulahi Axmed ibey oo la Hadley Shabelle ayaa xaqiijiyey in ay la qaaday isbaarada Taalay Baar Ismaaciil ayna dhaqan galiyeen Hadalkii Madaxweynaha .

Dhanka kale Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa Maanta laga qaadey Labo isbaaro oo ka mid ahaa kuwa lacagaha sharci darada ah looga qaado .

Gudoomiyaha Degmada Dharkeenleey Macalin Cabdule Hilwle ayaa sheegey in degmada dharkeenleey laga qaadey isbaarooyinkii yaaley oo ay ka sfieyn doonaa wixii isbaaro degmadaasi yaala asigoo xusey in amaanka degmadaasi aad ay u adkeeyeen.

Dhawaan ayey aheyd markii madaxweyne xasan sheikh maxamuud uu soo jeediyey go’aan kaas oo ahaa in la qaado isbaarooyinka sharci darada ah ee lacagaha looga qaado gadiidka.

COMMENTS