April 24, 2014 | Posted by admin

Waxaa idiin soo Gudbinaynaa Qaraxyo Xoogan oo caawa ruxay xaafadda Soomalidu ku badan tahay ee Islii ee magaalada Nairobi kadib Markii Gawaari ay ka Buuxaan Walxaha Qarxa lagu Qarxiyay Saldhiga lagu Magacaabo Pangani Police Station eek u Yaal Xaafadda Isilii ee Magaalda Nairobi.
Halkaan ka daawo hoose
//youtu.be/sA-O10oQ54w

Muuqaalkaan ayaa Muujinaya sida uu u dhacay Qaxa iyo Gawaari ka buxuaan Walxaha qarxa ee lagu Weeraray Saldhiga Pangani Kaasoo Dhaliyay Dhimasho Afar ruux iyo In ka badan Labaatameeyo Dhaawac ah.

Dhanka kale Xaafadda Islii oo ah halka ay ugu badan yihiin Soomaalida ku dhaqan Caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa waxay sal u noqotay qaraxyo lala eegto goobaha ay ku badan yihiin dad weynuhu sida Masaajidda, Kaniisanada, Basaska dad weynuhu ay raacaan iyo Dukaamadda laga adeegto ee ku Yaal Magaaldaas.

Ugu Danbayntii Inta badan qaraxyada ka dhacaya Islii ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay ka dambeeyaanXarakada Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, taasi oo horay qaraxyo badan oo laga gaystay Kenya sheegatay inay masuul ka ahayd

COMMENTS