DUHUR-17 xubnood oo ka tirsan gudiga amaanka qaranka Kenya ayaa ku sugan magaalada Gaarisa, waxaana ka mid ah madax sare oo uu ka midyahay taliyaha Police-ka Mathew Iteere iyo siihayaha wasiirka aminiga qaranka Yuusuf Xaaji kadib 17 qof oo ku dhimatay qaraxyo lala eegtey kaniisado halkaasi ku yaalaa, waxaana ku dhaawacmay illaa lixdan kale.
Wararka Gaarisa ka imanaya ayaa sheegaya in gudigaasi iyo ciidamada Police-ka ay baaritaano heer qaran ah ka bilaabayaan Gaarisa, iyadoo saraakiil Police-ka u gadashay ay sheegeen in laga yaabo in weerarkani ay ka dambeyn karaan dad ka shaqeeya xagga diinta oo aanan ogoleyn macbadyada kiristaanka in ay Gaarisa ka jiraan, weerarka u qaadeen iyagoo ka faa’iideeysanaya xaaladda Soomaaaliya hadda ka taagan.
Lama oga arrintani halka ay ku dambeyn doonto, haseyeeshee waxaa jira walwal isa soo taraya oo ku aadan jawaabta ay arrintani ka bixin karto dowladda Kenya.
Gaarisa oo ah magaalo Islaam ayaa waxaa ku yaala tiroyar oo ay ku cibaadeystaan dad masiixiyiin ah oo u shaqeeya dowladda sida iskuulaadka, isbitaalada, ciidamada, quwadda korontada, dowladda hoose iyo adeegyo kale oo muhiim ah oo ay dowladdu qabato.
Sidoo kale weeraradani waxa ay dhaliyeen dood guud ahaan Kenya taasoo ah masaajidada ku yaala magaalooyinka ay dadka masiixiyiinta u badanyihiin sida laga yeelayo haddii ay noqoto in magaalo islaam aysan kaniisado ku oolin.
Diinta Islaamka ayaa ah mid kusii fideysa Kenya iyadoo magaalo kasta ay ku yaalaan masaajido iyo maraakiis diinta Islaamka lagu barto, islamarkaasina diinta loogu soo duwo dad badan oo baadi ku sugan, weerarada Gaarisa ka dhacayna ma ahan kuwa xaalka wax wanaag ah ku biirinaya.
Gudigani amaanka qaranka ayaa ah mid si weyn looga baqo marka laga hadlayo go’aanadiisa, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari, wuxuu ahaa isla gudigani kii ku shirey dhismaha dowladda ee Wajeer sanadkii 1982dii, maalmo kadibna uu dhacay xasuuqii ku caan baxay Waagala ee kumanaanka qof ee rayidka ah ay ciidamada ku dileen.

All Posts
BBC 0400 GMT








