April 12, 2012 | Posted by admin

Qaraxyo waa weyn oo dadka cabsi iyo khal khal ku beeray ayaa xalay  laga maqlay fariisin ay Al shabaab ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxyada oo ahaa kuwo laga wada maqlay magaalda Kismaayo ayaa ka dhacay xerada Luglow oo ku taalla meel 10-km u jirta magaalada Kismaayo.

Xerada qaraxyada laga maqlay ee Luglow waxaa fariisin ku leh Al shabaab ilaa iyo iminkana ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta waxay qaraxyada caawa ahaayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen xerada Luglow oo fariisin muhiim ah u ahayd Al shabaab.

Wararka kale ayaa sheegaaya in waxlaha qarxa oo lagu kaydinaayey xerada ay qarxeen ayna geysteen khasaare kala duwan soo gaaray dagaalyahanada Al shabaab.

Dagaalyahanada Al shabaab ee Kismaayo maamulka ayaa qaraxyada kadib waxay isku gadaameen meesha qaraxyada laga maqlay, waxayna dadka deegaanka u diideen in ay wax xog ah ka ogaadaan waxa dhacay caawa.

Shacabka Kismaayo ku dhaqan oo muddooyinkan dareen ku joog ahaa caawa waxaa soo foodsaartay cabsi daran, waxayna wel wel ka qabaan duqaymo khasaare geysta oo magaalada dhanka hawada uga yimaada.

Labada arrimood ee looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen qaraxyada Kismaayo laga maqlay ayaan la ogeyn tan xaqiiqda ah, hase yeeshee waxaa badan wararka sheegaaya in waxa qarxay ay yihiin miinooyin meesha lagu diyaarinaayey.

Kismaayo waxay kamid tahay magaalooyin ay hadda ka hor Dawladda Kenya sheegtay in ay ka geysan doonto duqaymo dhanka hawada ah.

COMMENTS