January 13, 2013 | Posted by admin

Labo qarax ayaa maanta siyaabo kala duwan uga dhacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, waxeyna qaraxyadaas geysteen khasraarooyin kala duwan.

Labada qarax mid ka mid ah wuxuu ka dhacay xaafadda Buulo Xuubeey ee degamada Wadajir, waxaana lala beegsaday gaari uu watay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Qaraxa labaada ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn warshadda Caanaha ee degamada Hodon, wuxuuna ahaa miinada dhulka lagu aaso.

Qaraxa ka dhacay degamada Hodon ayaa waxa ku nafwaayay labo ruux halka dhaawacyona uu kasoo gaaray 5 kale, wuxuuna ka dhacay xerada Tolmo oo ku taala agagaarka Warshadaha halkaasi oo ay kujireen dad barakacayaal ah.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay labadan qarax iyo howlgallo ay sameeyeen kadib dhacdooyinkaas, waxaana afhayeenka ciidamada booliska Jen. Bariise sheegay iney ku dhawaad 10 qof u soo qabqabtay qaraxyadaas.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in labada qarax mid ka mid ah lala eegtay mudane ka tirsan baarlamanka Soomaaliya xili uu ku sugnaa xaafadda Buula xuubey ee dagmada Wadajir balse aysan jirin wax qasaare ah oo soo gaaray xildhibaanka, halkaasna uu dhaawac fudud kasoo gaaray laba ka mid ah ilaaladii xildhibaanka.

Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in xildhibaanka la weeraray oo lagu magacaabo Max’ed C/llaahi uu dhaawac yahay, hase ahaatee arrintaas dowladda Soomaaliya ma xaqiijin, Afhayeenka boolsikuna ma sheegin khasaare intaa ka badan oo ka dhashay qaraxyada kala duwan ee maanta laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

COMMENTS