December 20, 2012 | Posted by admin

Kooxo aan heybtooda la garan ayaa habeenkii xalay ahaa weerar loo adeegsaday bombaaanooyin isdaba joog ahaa ku weeraray hooyga uu magaalada Marko ka deganyahay gudoomiyaha degmada Marko ee dowladda Soomaaliya.

Dad goob joogayaal ahaa oo hoyga gudoomiyaha maqaaxi ku taallay ku caweynayay ayaa xafiiska SN ee magaalada Marka u sheegay in weerarradu ay ahaayeen afar bomb gacmeed oo la damacsanaa in lagu khaarijiyo gudoomiyaha degmada.

Inta la hubo weerarrada oo ahaa kuwa isdaba joog ah waxaa ku dhaawacmay labo ruux oo midkood uu kamid ahaa ilaalada gudoomiyaha degmada ee weerarka lala eeganayay.

Gudoomiyaha magaalada Marko Axmed Macallin C/raxmaan Cukaash oo weerarka lala eegtay ayaa sheegay in u jeedada kooxaha soo abaabulay weerarka lagu soo qaaday ay u muuqatay in isaga la khaarijiyo, laakiin uu ka badbaaday.

Magaalada Maro ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ay kamid tahay magaloyinka istiraatiijiga ah ee laga qabsaday kooxda Al-shabaab mana jiro war ka soo baxay kooxda oo ay ku sheeganeyso weerarka lala eegtay gudoomiye Cukaash.

COMMENTS