August 11, 2017 | Posted by admin

Weerar is qarxin ah ayaa ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka dhacay banaanka Masaajid ku dhow xabsiga oo ay salaadii jimcaha ku dukanayeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Asluubta.

Nin xirnaa jaakadaha qarxa ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee masaajidka, waxaana illaa iyo hada la ogeyn sababaha ninka is qarxiyay ugu suurta gashay in gudaha xabsiga uu galo.

Warar soo baxayaa ayaa sheegaya in ninka is qarxiyay laga yaqaanay xabsiga dhexe, waxaana socda baaritaano.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Jen. Xuseen Xasan oo ka mid ahaa saraakiishii masaajidka ku dukaneysay ayaa ka bad baaday weerarka is miidaaminta ahaa.

Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in qaraxa ismiidaaminta uu ku dhintay ugu yaraan hal askari.

COMMENTS