March 26, 2017 | Posted by admin

Qarax Gaari ayaa goor
dhow waxa uu ka dhacay Degmada Waaberi ee
Gobolka Banaadir gaar ahaan meel aan sidaas
uga fogeyn Hotel Dayax ee Magaalada
Muqdisho, sida ay inoo sheegeen dadka
Degaanka.

Qaraxan oo ahaa mid lagu xiray Gaari Camera ah
oo uu lahaa C/shakuur Ciise oo la sheegay in uu
ka tirsan yahay shaqaalaha Dowladda Federaalka
Soomaaliya sidoo kalena uu la shaqeeyo
Hay’addo ayaa ka dhacay afaafka hore ee
Gurigiisa oo ku yaalla Waaberi.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay
marka hore in C/shakuur uu Gaariga fuulay,
kadibna uu ka shakiyay maadaama uu Gaariga
gariiray, sidaasina uu uga degay, kadibna
Gaarigii halkaasi uu ku Qarxay.

Ciidamada Amaanka soomaaliya ayaa goobta xiray waxaana hada ay tahay xaaladu mid degan.

COMMENTS