October 25, 2016 | Posted by admin

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka  Hiiraan ayaa sheegaya in Qarax Ismiidaamin ah lagu Weeraray Xarun Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Xaafadda Howlwadaag ee Galbeedka Magaalada.

Goobjoogeyaal ayaa sheegaya in Xarunta Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM lagu Weeraray Gaari Xamuul ah oo laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa.

Lama oga ilaa iyo Hada qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS