January 12, 2018 | Posted by admin

Qaraxa ayaa ku jiray haan lagu sii diyaariyay, waxaana jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir xili dadka ay Jiifeen.

Goobjoogayaal ayaa usheegay Qaar ka mid ah Warbaahinta in qaraxa uu ka dhex dhacay guri ku yaala nawaaxiga Xarunta Degmada Kaaraan, Waxaana goobta durbadiiba gaaray Ciidamo katirsan kuwa Nabad Sugida Somaliya oo guriga ka sameeyay baaritaano la xiriira waxa uu ahaa qaraxa iyo sida lagu keenay guriga.

” Maamulka Degmada Kaaraan ayaa sidoo kale shaaciyay in Qaraxa Ka dib Ciidamada Amaanka ay Gaareen Guriga Howlgalna ay Ka sameeyeen.

Waxa ayna sheegeen Maamulka in la soo Qabtay Ninkii Lahaa Guriga Qaraxu uu ka dhax-dhacay

COMMENTS