August 26, 2014 | Posted by admin

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa qarax xalay ka dhacay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ka gadaal markii lala eegtay boosteejada laga raaco gawaarida dadweynaha, ee aadda Magaalada Nairobi.

Qaraxaan oo loo adeegsaday bambo gacmeyd, ayaa fiidnimadii si dhuumaaleysi leh loogu tuuray boosteejada, xilli ay ku sugnaayeen dad rayid ah, waxaana la soo sheegayaa in hal ruux uu ku dhintay, halka shan kalana ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa, ayaa waxaa ka mid ah dad Soomaali ah oo qaraxa kula kulmay boosteejada, xilli ay isu diyaarinayeen inay u amba baxaan Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya.

Booliska Magaalada Mandheera oo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxaan la ogayn haddii ay dad u soo qab qabteen qaraxaasi iyo haddii kalaba.

Taliska Booliska ee Gobolka Waqooyi Bari, ayaan weli wax war ah ka soo saarin qaraxa khasaaraha geystay ee ka dhacay Magaalada Mandheera.

Kenya waxaa muddooyinkaan dambe ku soo badanaayay falalka ka baxsan ammaanka.

COMMENTS