DUHUR-Baled Xaawo,- Qarax weyn ayaa xalay ka dhacay degamada Baled Xaawo ee gobolka Gedo, islamarkaana saran xadka Soomaaliya la wadaagto dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Qaraxa oo xalay la maqlay ayaa saaka waxaa goobtii uu ka dhacay lagu arkay 3 dhallinyaro meyd ah kuwaasoo lagu sheegay iney ahaayeen ragii aasayey miinadaas.
Goobjooge ku sugan Baled Xaawo ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxa la dhigayey goob yar oo muufada lagu dubo, islamarkaana labo wado ay hareeraha ka maraan, oo mid ka mid aado dhanka isbitaalka degamada Baledxaawo.
Qaraxan ayaan la sheegin cid kale oo uu dhibaato u geystay, maadaama uu dhacay xalay saqdii dhaxe, waxaana goobta qaraxaasi ka dhacay aad ugu dhowdahay bacadlaha degmada Baled Xaawo.
Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee halkaas ku sugan ayaa saaka halkaas ka xirxiray dhallinyaro dhowr ah oo lagu tuhmay iney xiriir la lahaayeen dhallinyaradii meydkooda lagu arkay goobta qaraxu ka dhacay.
Qaraxyada ka dhaca goobaha ay maamusho dowladda Soomaaliya ayaa ah kuwa soo laalaabtay, waxaana mararka qaar dhacda in dadkii aasayey ay qaraxaas ku geeriyoodaan, taasoo in badan ka dhacday magaalada Muqdisho.

All Posts
BBC 0400 GMT








