January 23, 2017 | Posted by admin

buurhakaba

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay suuq lagu iibiyo xoolaha oo ku yaala degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Dad Goob goobjoogayaal ah oo ku sugan degmada Buur-hakaba ayaa  sheegay in qaraxa loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay.

Taliyaha ciidamada dowladda degmada Buurhakaba Max’ed Ibraahim ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa uu sababay dhacaawa  caruur sida uu sheegay.

Caruurta ayaa ku sugnaa suuqa isagoo intaa ku darray in caruurtan dhaawaca soo gaaray ahaayeen kuwa calaamadeeya xoolaha suuqa la keeno.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, waxaana ay sheegeen in ay la beegsadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Buurhakaba.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS