January 20, 2017 | Posted by admin

Breaking-News duhur

Wararka naga soo Gaaray Gobalka sh/dhaxe ayaa sheegaya in Deegaanada dhinaca Bari Qayb ka mid ah uu ka dhacay Qarax xoogan.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ku qarxay Gaari Nuuca iska Rogaha ah waxaana la tilmaamayaa in wadada Hareeraheeda ay ku aasneed Miinadaasi.

Dad Goob Joogayaal ah ayaa soo sheegaya in Qraxaasi uu saameeyay Gaariga hasa yeeshee uu yar yahay qasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Qarax ayaa ka dhacay inta udhaxaysa Miir taqwa iyo Biya Cade oo Gobalka ka tirsan

Hal Ruux ayaa ku geeriyooday Halka Mid kalena uu dhaawac ka soo gaaray sida ay sheegeen Dadka deegaanka.

Ma jira wili wax war ah oo ka soobaxay dhanka iyo Maamulka Gobalka sh/dhaxe oo ku aadan Qarax Ka dhacay Gobalkaasi.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS