August 25, 2016 | Posted by daacad yare

wararka ka imaanayo deegaanka budbud ee bariga gobolka galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo katirsan doowlada ayaa qarax miino lagula eegtay deegankas.
Qaraxan oo Ahaa Miinada Dhulka Lagu Aaso ayaa waxaa lalabeegsaday gaari eey wateen ciidamada dowlada ee ku sugan deegaanka budbud ee bariga gobalka galgaduud.
Gaariga oo ay la socdeen ciidamada ayaa gaari soomaalidu utaqaan cabdi bile waxuuna ku sii jeeday deegaano kale oo ka awdhaw Bud bud.
Madaxa Caafimad ee ciidamada ku sugan bariga galgaduud ayaa sheegay in gaariga ay ku wax yeeloobeen askar ka tirsan Ciidamada oo gaaraya ilaa iyo lab qof.
sidoo kale madaxa caafimaadka waxa uu sheegay in hada xaaladooda ay tahay mid wanagsan.
Habiinkii xalay ahaa ayay aheed markii madaafiic lagu weeraray deegaanka bud bud oo fadhiisin u ah ciidmaada dowlada iyo kuwa itoobiya oo ka tirsan AMISOM Balsa lama sheegin wax wayeela ah oo ciidamaas ka soo gaaray madaafiicdaasi.
Ciidamada Dowlada soomaaliya iyo kuwa itoobiya ayaa guluf dagaal ugu jira sidii ay ula wareegi lahaayeen Deegaano mudo dheer ay ka talinayeen alshabaab sida Degmooyinka Galcad ceeldheer xarar dheere iyo galhareeri.
Balse ciidamadaan ayaa bariga galgaduud kaga sugan degmada ceel buur iyo deegaano Hoos taga degmada galcad ee gobalka galgaduud.

COMMENTS