September 15, 2017 | Posted by admin

Qarax miino oo ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanka Siinka dheer iyo deegaanka Ceelasha Biyaha  ee duleedka Magaalada Muqdisho.

waxaana qaraxa ka dib la maqlay rasaas badan oo ay rideen Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee Halkaasi ku sugnaa.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Qaraxa la giliyay meel Laamiga ah kadibna lagu qarxiyay Gaari ay wateen Ciidanka Dowladda balse ay ka badbaadeen Ciidankii saarnaa.

lama sheegin  wax shacab oo ay Waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi iyo risaasta ay fureen.

Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa ka dib ay maqleen rasaas badan oo ay rideen Ciidankii Gaariga Saarnaa ee qaraxa ka badbaaday.

Deegaanada ku yaalo duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo Laab Laabtay qaraxyada dhulka loo galsho Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku safraya.

COMMENTS