November 18, 2012 | Posted by admin

Ugu yaraan lix ruux oo rakaab ahaa ayaa ku dhimatay qarax lala eegtay gaari BL mini bus ah oo marayay wadada labaad ee Xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxaana ay sheegayaan in qaraxa uu gaariga saarnaa, halka warar kalena sheegayaan in bam lagu tuuro, iyadoo bur bur xoog leh uu soo gaaray gaariga qaraxa lala eegtay.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan qaraxa waxa uu ahaa, waxaana warar qaar ay sheegayaan in qaraxa ahaa mid gaariga saarnaa.

Ururka Bisha cas ayaa xaqiijiyay in 24-ruux oo ka mid ahaa rakaabki saarnaa gaariga ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo la dhigay Isbitaalka Kenyata National Hospital.

Qaraxan ayaa ah kii ugu qasaaraha badnaa ee mudooyinkan ka dhaca magaalada Nairobi, iyadoo ay dhici karto in qasaaruhu intaa ka bato.

Ganacsiga Xaafada Islii ayaa hakad ku yimid, iyadoo ciidamo fara badan oo milateriga Kenya lagu soo daadiyay xaafada Islii oo ay Soomaalida ku badan tahay.

COMMENTS