February 7, 2013 | Posted by admin

Qarax miino saaka lala eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM, kaasoo marayay nawaaxiga isgoyska Banaadir. Waxaa ku dhaawacmay saddex ruux oo labo ay haween aheyd iyo wiil yar.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa laga maqlayay qeybo ka mid ah magaalada, waxaana uu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Kolonyada Ciidamada AMISOM oo ay la socdeen kuwa Burundi ayaa la sheegay in aanay wax qasaare ah soo gaarin. Qaraxa kadib ayaa waxaa lagula cararay goobta oo aheyd mid saxmad leh, isla markaana lagu ganacsado, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay AMISOM.

Isniinti la soo dhaafay ayay aheyd markii Askari Burundes ah uu ku dhintay qarax miino lala eegtay agagaarka Kulyada Jaalle Siyaad, iyadoo Taliska AMISOM uu war ka soo saaray.

Qaraxyada Miino ayaa magaalada Muqdisho mudooyinkii u dambeeyay ka yaraadeen, iyadoo inta badan degmooyinka ay ka dhacaan howl galo ay ka qeyb qaataan Ciidamada Booliska AMISOM iyo Ciidamada nabadsugida.

COMMENTS