August 24, 2014 | Posted by admin

Qarax inta la ogyahay geystay khasaare hantiyeed ayaa goor-dhow ka dhacay garaashyo lagu iibinayay shidaal iyo gaadiidka ganacsiga ah oo ku yaalla Isgoyska Baar Ubax ee degmada Howl-wadaag.

Inkastoo qaraxa ayaa la geyn wuxuu yahay, ayaa haddana wararka soo baxaya waxay sheegayaan in qaraxa uu mid lagu tuuray, halka wararka qaarkoodna ay sheegayaan inuu qarxay gaari lagu xiray waxyabaaha qarxa.

Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay inay gubteen laba garaash oo waaweyn oo midkood lagu iibinayay gaadiidka ganacsiga ah halka mid kalena uu ahaa mid lagu iibinayay shidaal.

“Qarax weyn ayaa ahaa qaraxa, wuxuu ka dhacay garaashyo ku yaalla isgoyska Baar Ubax, runtii xaaladdu way kacsan tahay, meel walbana ciidan aya jooga,” ayay tiri haweeney ka mid ah dadka deggen xaafadaha ku dhow garaashka.

Ciidamada dowladda ee goobtaas gaaray ayaa rasaas nool hawada u ridaya iyadoo uu xirmay ganacsiga isgoyska, sidoo kalena ay istaageen gabi ahaan gaadiidkii waddooyinkaas marayay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda dowladda ay howl-gallo ka billaabeen gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo ganacsiga suuqaas uu yahay mid gaabis ah maanta.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay bamka sababay khasaaraha hantiyeed e ka dhacay garaashyadan, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo goob ganacsi lagu bartilmaameedsado waxyaabaha qarxa.

Gaadiid badan iyo shidaal ayaa la sheegay inay ku gubteen labada garaash, inkastoo aan weli lasoo warin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxa lala beegsaday garaashyadan.

Wixii wararka kusoo kordha waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.

– See more at: //hiiraan.com/news/2014/Aug/wararka_maanta24-48005.htm#sthash.Ev8EhvDO.dpuf

COMMENTS