December 7, 2012 | Posted by admin
Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi

Qarax khasaare sababay ayaa la sheegayaa in uu caawa fiidkii ka dhacay bannaanka hore ee masaajid ku yaalla xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dad goobjoogayaal ah oo warbaahinta  la hadashay ayaa sheegay in in ka badan 10 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ka dhacay iridda laga galo masaajidka Al-Hidaaya kaddib markii ay dadku ka soo baxeen salaaddii cishaha.

Booliska ayaa sheegay in qaraxa uu u muuqdo in uu ahaa bamb lagu aasay waddada dhinaceeda sida uu qoray wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi.

Xilligii uu qaraxu dhacayay waxaa masaajidka ku sugnaa sida ay wararku sheegayaan dad mas’uuliyiin ah oo uu ka mid yahay xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamukunji oo ay xaafadda Islii ka tirsan tahay, Yuusuf Xasan Cabdi.

Wararka qaar waxay sheegayaan in uu mudane Yuusuf ka mid yahay dadka ku dhaawacmay qaraxa.

Ma cadda in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa mas’uuliyiinta masaajidka ku sugneyd.

COMMENTS