December 7, 2012 | Posted by admin

Waxaa soo badanaaya qaraxyada ka dhacaaya Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku badan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Caasimada ah ee Nairobi.

Qaraxaan oo loo adeegsaday bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa wuxuu ka dhacay halka gawaarida la dhigto ee Masaajidka Al Hidaaya, waxaana ku dhaawacmay dad badan oo markaasi Masaajidka ku soo tukaday Salaaddii Cishaha ee caawa.

Jugta qaraxa oo ay dadku ku argagaxeyn ayaa waxaa isu buurteen aafafka hore ee Masaajidka, iyadoo ruux walba uu la baxsanaayay naftiisa, si uu uga badbaado haddii Ciidamada Dowladda Kenya ay goobtaasi hawl galo ka bilaabaan.

Salaaddii Maqrib ee caawa ayaa waxaa Masaajidkaan khudbad dheer ka jeediyay Xildhibaan Yuusuf Xasan, oo ah Xildhibaanka laga soo doorto Degmada Kama Kunji, oo ay ka tirsan tahay Xaafada Islii.

Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in uu dhaawacmay Xildhibaan Yuusuf Xasan, oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ee Kenya, isagoona caawa Masaajidkaan ka jeediyay khudbad, waxaana weeye dhaawaciisu mid fudud oo lugta ah.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in qaraxaani ay ku dhaawacmeyn ilaa sideed ruux oo Soomaali ah, iyadoo ay suura gal tahay in khasaaraha uu ka bato tiradaasi.

Ma cadda in dhaawacyada qaarkood ay culus yihiin iyo in kale, balse dadkii qaraxaasi ku dhaawacmay, ayaa waxaa lagula cararay Xaruumaha Caafimaadka ee ku yaala Magaalada Nairobi.

KENYA waxay noqortey meel aad u amaan xun sida SOOMAALIYA OO kale.

COMMENTS