July 12, 2015 | Posted by admin

Qaraxa ka dhacday dalka Jaad ayaa ku soo beegsamaya saacado kaddib markii ay labo qof ku dhinteen qaraxa ka dhacay gobolka Borno ee dalka Neyjeeriya.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda labadaasi qarax balse dowladda Jaad ayaa ku eedeysan ururka Boko Xaraam oo weerarro dhowr ka geystay dalalka jaarka la ah dalka Neyjeeriya.

Afhayeenka booliska dalka Jaad Paul Manga ayaa sheegay in tirada dhimashada dadka ku dhintay qaraxaasi ay yihiin 15 qof marka lagu daro qofkii weerarkaasi geystay oo ahaa nin soo xirtay dharka dumarka.

Dowladda Jaad ayaa bishii horay mamnuucday dharka dumarka ee daboola tin illa cirib, sababo la xiriir dhanka amniga oo ay ku sheegtay in ay dhici karto in uu qofkaasi uu hoos ku soo qarsado walxa qaraxa kaddibna uu fuliyo weerar ismiidaami ah.

COMMENTS