DUHUR-Qarax xoogan oo xalay xilli dambe ka dhacay meel ku dhow xarrunta degamada Yaakhshiid ee magaalada Muqdisho ayaa galaaftay nolosha nin la aaminsan yahay inuu qaraxaas dhigayay. Qaraxa oo dhacay abaare 3:00 Am ee xalay ayaa saaka markii lasoo tuusay goobta laguarkay meydka nin jirkiisu kala go’go’ay iyo god weyn oo ay qoday miinada halkaas la dhigayay. Goobta miinadu kula qaraxday ninkaan ayaa dhinaca ku heysa dugsi qur’aan weyn oo carruur yaryar lagu baro Qur’aanka Kariimka ah, waxaana sidoo kale waddada miinadan la dhigay oo ah jid cadde gashaa xarrunta degamada Yaakhsiiid. Ciidamo kam tirsan booliska Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu yaallaay meydka ninkaas, ilaa haddana taliska boolisku kama hadlin qaraxan. Dadka degan guryaha ku dhow halka qaraxu ka dhacay ayaa Mareeg.com u sheegay in xalay xilli dambe ay maqleen qarax xoogan, islamarkaana ay ku ekaadeen guryahooda oo aysan banaanka usoo bixin. Goobta qaraxu ka dhacay ayaa waxaa lagu arkay badiilka godadka lagu qodo iyo middi, mana aha qaraxii ugu horreyay ee galaafta nolosha dadkii aasayay.

All Posts
BBC 0400 GMT








