January 24, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Wararka ka immanaya magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiran ayaa sheegaya in goor dhaweed qarax weyn laga maqlay magaalada beladweyne.

Dad ku sugan magaalada beladweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay qaraxa in lala bartilmaameestay ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan gudaha magaalada, macadda qasaaraha uu geestay qaraxa saaka oo talaado ah ka dhacay magaalada beladweyne oo ay hadda maalaan ciidamo taabacsan dowlada oo gacan ka helaya militaryga Itoobiya.

Qaraxa marka uu dhacay waxa durba magaalada ka bilaabtay jahwareer, iyadoona ciidamada dooxada shabelle ee inta badan gacanta ku haya magaalada Beladweyne ay qabteen dhowr qof oo looga shakinaayo in ay ka dambeeyeen qaraxa saaka ka dhacay magaalada Beladweyne.

Magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiran ayaa dabayaaqaadii bishii Decembar sanadkii horre waxa laga saaray ururka Al-Shabaab, waxana magaalada hadda ku sugan wafdi ballaaran oo isugu jirra wasiiro iyo xildhibaano ka socda dowlada fadaraalka KMG ah.

Wafdigan ayaa waxa ay magaalada u joogaan sidii maamul loogu sameyn lahaa Beladweyne , in kastoo maleeshiyada magaalada gacanta ku haya ay rabaan siddii maamulkooda uu sii jiri lahaa maamulkaas oo ah dooxada shabeelle.

Dowlada KMG ah ayaa rabta in hadda ay maamul u sameeso magaalada beladweyne oo u aragta magaaladaas in ay tahay magaalo istiraatiji ah oo muhiim ah gobalada dalka.

COMMENTS