January 7, 2018 | Posted by admin

Qarashaadkii laga qaadi jiray xujeyda soomaaliyeed ee gudaneysa waajibaadka xajka oo markii hore aad u badneyd ayaa hadda laga dhigay qiimo aad u jaban.

Dedaal dheer ah oo ay sameysay wasaaradda arimaha diinta iyo awqaafta ayaa waxa ay suurta galisay in %90 uu jabay qarashkii xujeyda laga qaadi jiray.

Sidoo kale waxaa wadada loo furay shirkaddaha diyaaraddaha tartan furan ayaana laga dhigay taasi oo horseedi karta in qarashaadkii marka hore shirkaddaha diyaaraddaha qaadan jireen uu aad hoos ugu dhaco.

Xujeyda dalkeenna soomalia waxa ay bixin jireen $3800 oo aad uga badan qarashaadka kale ee wadamada afrika ay ku baxaan.

COMMENTS