October 9, 2017 | Posted by admin

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta xarunta dowladda Hoose heshiis iskaashi kula saxiixday Wakiilka Hey’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa dhigaya horumarinta adeegyada aas aasiga ah iyo dhiira gelinta dhalinyarada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ugu horeyn sharaxaad ka bixiyay heshiiskan, isagoo sheegay in dayactir lagu sameyn doono lix iskuul oo ku yaalla Gobolka Banaadir, kaasoo mid ka mid ah dhismo hada laga soo bilaabayo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in iskuulada laga hirgelinayo degmooyinka uu ujeedkooda yahay sidii ardayda ay lacag la’aan ugu dhigan laahyeen illaa heer Dugsi Dhexe.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in mashruucan uu shaqaaleysiinayo illaa 1,000 dhalinyaro oo dheeri ah, isla markaana si gaar ah loogu faa’ideyn doono dadka qaxootiga ee Muqdisho u soo barakacay, isla markaana la siin doono mudnaan gaar ah si ay ugu faa’ideystaan.

Waxaa uu tilmaamay in mashruucan uu labo bilood soconayo, isla markaana qofkiiba la siinayo $150 dollar bishiiba

Wakiilka UNHCR u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay heshiiskan kala saxiixdaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markaana yahay heshiis iskaashi.

COMMENTS