November 22, 2012 | Posted by admin
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa la sheegay shalay inuu diiday inuu la kulmo wefti sare oo ka socday Qaramadda Miodoobay oo ka koobnaa dhawr iyo toban xubnood, kuwaasoo ilo wareedyo xogogaal ahi Waaheen u sheegeen Qorshahooda ugu weyni inuu ahaa sidii ay dibu eegis ugu samayn lahaayeen Mashaariicda ay Somaliya iyo Somaliland siiyaan isla markaana ay meel kaliya isugu duwi lahaayeen.
Weftigan oo Hargeysa shalay soo gaaray ayaa waxa ay kulamo gooni gooni ah la yeesheen qaar ka tirsan Wasiiradda Xukuumadda iyo Ururada Bulshada Rayidka ah, ilaa hadana wax War ahi kamuu soo bixin labada dhinac waxyaabihii ay kulamdooda iskula gaareen, hase yeeshee sida Waaheen warka ku heshay weftigu waxay kala kulmeen labada kooxoodba difaac adag, oo ay u mari waayeen in gor gortan ay kala galaan Arrimaha Somaliya.
Weftiga ayaa la sheegay inay u soo bandhigeen mawqifka ay ka aaminsan yihiin  Dawladda Somaliya loo dhisay oo ay sheegeen inay doonayaan in ay taageero siiyaan isla markaana qorshahoodu yahay sidii mashaariicdii ay meelaha leexsan u marin jireen iminka toos u siiyaan maadaama ay ku Meel gaarnimadii ka baxday, isla mrkaana ay dib qorshe cusub ugu samayn lahaayeen qaabkii ay Hay’aadaha UN ka ahi uga hawlgali lahaayeen.
Kulanka labad dhinac ee Somaliland iyo Qaramadda Middobay isku hor fariisteen oo ka dhacay xarunta UNDP-da Hargeysa ayaa la sheegay inuu ahaa mid dood adag ay labada dhinac isweydaarsadeen, iyadoo Doodu u badnayd weerar iyo weerar celis la isku baacinayay in Qorshaha UN-ku wataan Somaliland aqbasho oo ay Somali Mashaariicda la qaybsadaan, balse Arrintaas dhinaca Somaliland waxa la sheegay inay ka gaws qabsadeen oo ay ku doodeen inaanay Somaliland iyo Somaliya waxba wadaagi Karin.
Weftiga UN –ka ayaa la sheegay Doodooda ugu badani inay ahayd Hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Somaliland inay yihiin kuwa ugu badan ee Somaliya ka hawlgala, isla markaana ay dhinaca Koonfureed ka qatan yihiin sidaas daraadeed daraasada ay u socdaan ay tahay sidii qorshe cusub oo wada kafeeya loogu samayn lahaa, iyagoo ku adkaysanayay qorshahaas inaanay u laba lugoodinaynin.
Qorshaha ay la socdeen Weftigani waxa toddobaadkan ku dhawaaqay oo ku wargeliyay shaqaalaha Qaramadda Midoobay ee Somaliland ka hawlgala Isuduha Mashaariicda Qaramadda midoobay ee Somaliya oo fadhigiisu ahaa Nairobi balse u soo guuray Muqdisho, waxaanu fariintaasi ku soo gaarsiiyay Isgaarsiinta loo adeegsado qaabka shirarka iyadoo meelo kala fog la joogo ee loo yaqaano Call-conference.
Si kasta ha ahaatee Xaaladda cusub ee ay Dawladda Somaliya gashay ee ay Beesha Caalamku ugu dhistay Dawladda Rasmiga ah ee ka baxday ku meel gaadhnimaddu  waxay la curatay inay beesha Calamku waji cusub ku eegto guud ahaan Dalkii la isku odhan jiray Somaliya ee ay Somaliland qaybta ka ahayd, waxaanay doonayaan inay Somaliland mar kale ku Duduucaan inay Somaliya la midawdo ama wax la qaybsato.
COMMENTS