March 21, 2017 | Posted by admin

Geneva:Qaramada Midoobey ayaa dhinacyada ku dagaallamaya dalka Yemen waxaa ay ka dal batay in ay caddeeyaan cidda ka dambeysay weerarkii lagu laayay Soomaalida ka badan 45ka QOf oo Qaxootiga ahaa.
Wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha Bani’adamnimada Filippo Grandi,ayaa waxaa uu sheegay in weydiimo badan aan wali laga jawaabin,kuwaas oo ay ka mid yihiin cidda ka dambeysay weerarka lagu laayay Soomaalida qaxootiga ahayd ee lagu laayay xeebaha dalka Yemen.
“waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka Yemen in ay caddeeyaan cidda fulisay weerarkaas si loola xisaabtamo sidoo kalena uusan dib u soo laaban”,sidaas waxaa yiri Filippo Grandi
Isbaheysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ayaa iska fogeeyay in ay weerarkaas ka dambeeyeen waxaana ay ku eedeeyeen Xuutiyiinta Yemen kula dagaallaya,Xuutiyiinta taageerada ka hela Iiraan ayaa dhankooda Isbaheysiga uu Sucuudigu hor boodayo ku eedeeyay weerarkaas lagu laayay dadka Soomaalida ahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale Dowladda Sucuudiga ka dalbatay in ay baaritaan ku sameyso weerarkaas,Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNHCR,ayaa sheegtay in Yemen ay wali ku noolyihiin 250,000 oo Soomaali ah.
Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS