February 3, 2014 | Posted by admin

Dhalinyaro Muslimiin ah iyo booliska dalka Kenya ayaa maanta uu iska horimaad ku dhex maray masaajid ay la xiriiiyeen dad mayal adag oo ku yaala xaafadda Majengo ee dadka saboolka ah ay degenyihiin ee magaalada Mombasa.

Booliska oo aad hubeysnaa ayaa u adeegsaday gaaska dadka kaga ilmeysiiya dhalinyaradaasi muslimiinta ah oo dibad bax sameeynayay.

Rabashadahan ayaa dilaacay markii boolisku ay galeen Masjidkaasi oo la yirahdo Mussa, halkaasoo ay sheegeen inay heleen warar sheegaya in dhalinyaro xag jir ah lagu qorayay.

Warbaahinta Kenya qaarkeed iyo kuwa caalamiga ayaa bilowgii rabashadahan qoray inay ku dhinteen laba qof oo mid ka mid ah uu yahay askarta Kenya, laakiin saraakiil u hadashay booliska ayaa sheegay in dad ku dhaawacmeen rabshadaha.

Masjidkaasi Mussa ayaa bilihii ugu dambeeyay ay ciidamada amaanka Kenya insha ku hayeen waxaana dhawaan dabley aan la garan oo hubeysan ay toogasho ku dileen laba wadaad oo ka wacdin jiray masaajidka.

Saraakiisha Amaanka Kenya ayaa la xiriiriyay masaajidka rag dagaalyahano u qora ururka al.Shabaab, oo horay u sheegtay weeraro ka dhacay Nairobi, oo uu ka mid ahaa kii dadka badan ay ku dhinteen ee sanadkii hore lagu qaaday xarunta Westgate.

Wareysi ku saabsan rabshadihii Mombasa ee maanta oo ay VOAdu la yeelatay wariye Cabdulqaadir Jeylani oo ka tirsan idaacadda Salaamo halka hoose ka dhageyso.

COMMENTS