February 13, 2013 | Posted by admin

Tan iyo markii ay Wafdi Ganacsato ah ee ka socota Gobolada Jubbooyinka ay soo gaareen  Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa magaalada Garoowe Shalay ilaa xalay ka socday Kulamo isdaba jog ah oo ay yeelanayaan Madaxda Dowlada iyo Ururada Rayidka ah kaasi oo la xiriira sidii si wacan Caasimada Puntland loogu soo dhaweyn lahaa Xubnaha gancsatada ah ee Gobolda Jubbaland ka socda.

Xarunta Madaxtooyada ayaa Kulamo ka socday oo ay yeesheen Madaxda Puntland ayaa wararka waxa ay sheegayaan in ay isla meel dhigeen in siweyn loo soo dhaweeyo wafdiga loona muujiyo Tageero Hiil iyo Hooba leh.

Waxaa sidoo kale ka mid ah Wararka nasoo gaaraya in La diyaarinayo Haween badan oo ku labisan astaant la sheegay in ay Gobolada Jubbaland leeyihiin  kuwaasi oo ay wehliyaan Masuuliyiinta Dowlada iyo dad kale oo aad u farabaan in ay Wafiga kaga Hortagi doonaan duleedka Magaalada ayna soo dhawyn wacan u samayn doonaan, waxaana Durba Saaka magaalada ka socda Diyaar Garow arintaasi la xiriira, iyadoo wafdiga la filayo in ay magaalada soo gaaraan 3da Galabnimo ilaa inta xiligaa ka horeeyana ay Dowlada iyo qaban qaabiye yaasha kaleba ay isu diyaarinayaan qaabkii loosoo dhawayn lahaa.

Warar ay si hoose u helnay ayaa tibaaxaya in Dowlada Puntland ay qorsheeneyso in Gobolada Puntland Ganacsatada & Aqoonyahanada in ka codsan doonto in ay ka qayb qaataan taageerada maamulkaasi iyagoo iska aruurin doona lacag ay ku taageerayaan Dhisida maamul loo dhan yahay oo ay yeelato Gobolada Jubboyinka iyo Geddo, waxaana ay Puntland u xilsaartay abaabulkaasi oo si gaar ah u wadi doona Wasaarada haweenka iyo Arimaha Qoyska taasoo qaban doonta Kulamo isdaba jog ah oo ay ka qayb qaadanayaan Ergooyin kakala socda Gobolada Puntland.

Ergadan ayaa markii ay yimaaadaan Garowe la filayaa inta ay joogaan in ay la kulmaan Madaxda Dowlada Puntland iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada iyagoo sheegay markii ay gaalkacyo kasoo dagayeen in Puntland oo dhulkoodi ah ay u yimaadeen wadatashi iyo taageero ay ka helaan Dadka Reer Puntland iyo Dowladoodaba.

COMMENTS