December 29, 2012 | Posted by admin

Muqdisho-Qaar kamid ah Soomaalida ku nooleyd xeryaha qaxootyiga ee  dalka Kenya ayaa ku Soo Qulqulaya gudaha dalka, kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka ka dhacaya gudaha dalka Kenya.

Saraakiisha waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo shirkadaha  Duulimaadyada ee ka howlaga gudaha garoonka Caalamiga ee Aadan cadde Airport  ayaa faahfaahin ka bixiyay  Tirada Maalin kasta dalka ku soo laabata,waxayna xuseen in Maalin walba garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay  soo caga dhigato ku dhawaad 5 diyaaradood oo intooda badan uu Duulimaadkoodu yahay Muqdisho Nairobi,kuwaasi oo  ay   saaranyihiin  Rakaab Soomalia ah oo aad u tira badan.

General C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee heysata waaxda socdaalka iyo jinsayadaha ay tahay dadka ka imaanayo kenya ee Somalida ah oo aan heysan Baasaboorka Somaliga ah, Taasina ay dhib ku tahay Amniga garoonka.

Jabriil Jaamac Nuur oo ah mas’uul ka tirsan shirkada Jubba Airways of u waramayay warbaahinta qaranka ayaa isna  sheegay  in ay kordheen tirada Duulimaadyada ka yimaada Nairoobi, isagoo  sheegay in wax  korar ah uusan ku imaan Qiimaha markii hore looga imaan jiray Kenya.

Dadka ku soo laabanaya dalka ayaa celcelis ahaan waxaa lagu qiyaasay    Afar boqol oo qof maalin kasta kuwaaso oo   u badan  Haween iyo Caruur,  oqaarkooda ay saameysay falalka amni darada ah ee ka dhacaya gudaha  dalkaasi.

COMMENTS