April 21, 2017 | Posted by admin

Ganacsatada Magaalada Muqdisho ka soo deji jirtay qaadka ayaa uweeciyay dhanka Gobalka Sh/dhaxe shalay iyo Maanta.

Gaadiidka u sida qaad magaalada Muqdisho ayaa
saaka lagu arkay iyagoo dhex maraya magaalada
Jowhar kadib markii ay ganacsatada qaadka ay
bilaabeen inay ka soo dejistaan qaadka garoonka
diyaaradaha magaalada Jowhar.
Mid kamid ah ganacsatada qaadka ayaa u
sheegay shabakada Jowhar.com in adeeg
wanaagsan iyo soo dhoweynba ay ka heleen
mas’uuliyiinta maamulka gobolka Sh/dhexe ayna
u mahadcelinayaan.
Ganacsatada qaadka ayaa u soo wareejiyay ka
soo dejinta qaadka ay ka soo dejinayeen
garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho
magaalada Jowha kadib markii ay sheegeen in
canshuur badan ay ku soo rogtay dowlada
federalka Soomaaliya.

Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqday in ay soo dhawaynayaan Tilaabada ay qaadeen Ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka ka keena dalka Kenya.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS