December 9, 2012 | Posted by admin

Ergayga gaarka ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augostin Mahiga ayaa warbaxin qoraal ah uu soo saaray waxa uu ku sheegay in si aad uu ula dhacsan yahay islamarkaana uu soo dhaweynayo dadaalada nabada loogu dhalinayo ee ay wadaan Ururka aan dowliga aheyn ee IGAD kana sameynayaan Deegaanada iyo Degmooyinka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Augostin Mahiga ayaa sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in qorshaha IGAD ay damacsan tahay uu yahay qorshe lagu gaari karo nabad waarta isagoona intaasi ku daray in loo baahan yahay in laga faa’ideysto dadaaladaasi.

Deganaanshaha koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waa furaha iyo aragtida dowlada federaalka Soomaaliya taasi uu Madaxweynaha uu ku sheegay inay aas aas utahay dhamaan deganaashaasi oo idil lixda tiirar ee Madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaqaay in dalka lagu dhaqayo,waxaana aamninsanahay in Soomaaliya haatan ay u talaabsatay dhanka horumarka iyo dib u dhiska wadanka sidaasi waxaa sheegay Mr Mahiga.

Sidoo kale Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u qaabilsan ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in dadaalka IGAD ay ka wado sidii maamul loo dhan ay ugu sameyn lahayd Gobolada Jubooyinka iyo Gedo uu yahay mid u baahan in laga Faa’deysato islamarkaana ay tahay mid dadaal dheeri ah loo galay oo juhdi lagu bixiyay.

Ugu danbeyntii Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augsotin Mahiga ayaa waxa ugu baaqay beesha caalamka in Soomaaliya la garab istaagto oo la caawiyo maadaama haatan ay mareyso meeshii ugu fiicneyn,waxa uuna ku adkeeyay Mr Mahiga in Soomaaliya lagu dhiira geliyo sidii markale ay cagaheeda ugu istaagi lahayd.

Sidoo kale Mahiiga ayaa soo dhaweeyay dadaalada ay wadaan ciidamada AMISOM ee ay doonayaan in deegaanada dalka Soomaaliya ay kaga saaraan Ururka AL-Shabab.

COMMENTS