March 29, 2015 | Posted by admin

Xubnaha Golaha Ammanka ee QM ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii 27kii bishan March lagu qaaday hoteelka Makkah alMukaramaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo ururka Alshabab uu fuliyey. Weerarkaas ayaa haddalka QM ka soo baxay lagu sheegay inay ku dhinteen dad aan dambi galin oo Soomaali ah oo uu ku jiray Danjirihii Somalia ee QM ee fadhigiisu ahaa magaalada Geneva, danjire Yuusuf Barbari.
FC80BDCE-8DD4-429F-AD6B-07877F78F08F_w268_r1_cx20_cy23_cw77

Warqadda QM ayaa lagu sheegay in xubnaha Goluhu ay bogaadiyeen sida dhakhsaha iyo geesinimada leh ee xoogaga amniga qaranka Somalia ay weerarka uga jawaabeen.

Warqadda ayaa lagu sheegay in weerarkii dhacay ama fal kale oo argagixiso oo micno darro ah oo Somalia laga fuliyaa uuna dhaawaceynin go’aankooda ku aaddan taageerada nabadda iyo hanaanka dib u heshiinta ee Somalia ka socda.

COMMENTS