May 27, 2017 | Posted by admin

Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa xukun dil ah ku riday 5 nin oo dhawaan lagu qabtay Boosaaso ,iyagoo wata gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

Shantaan nin oo Afar ka mid ah ay kasoo jeedaan gobolka Baay ayaa Ciidamada Amniga Boosaaso ay qabteen Xilli ay doonaayeen in ay Weeraro Qaraxyo ah in ay ka geystaan Boosaaso.

Dhammaan waxa ay qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Magacyadda Ragga xukunka lagu riday ayaa kala ah:

Cabaas Ibraahim Aadan 26 sano jir ah
Ibraahim Maxamed Canshuur 20 jir ah
Dhaqane Aadan Cabdi Xasan 25 sano jir ah
Aadan Nuur Aadan 27 sano jir ah
Nuur Cabdi Aadan Isaaq 27 sano jir ah

COMMENTS