August 1, 2014 | Posted by admin


Maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegay in gabi ahaanba uu gooyey xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa shaaciyey in Puntland ay tallaabadan uga jawaabayso maamul u samaynta gobollada Mudug iyo Galgaduud ee ay gar wadeenka ka tahay dowladda dhexe.
Gaas ayaa intaas ku daray in heshiiska shalay lagu saxiixay Muqdisho ee quseeya labada gobol uu si cad uga hor imaanayo dastuurka Soomaaliya, isla markaana uu iska hor keenayo bulshada gobollada dhexe.
Madaxweyne Gaas ayaa dalbaday in ay Garoowe ku yimaadaan muddo laba toddobaad ah, xubnaha Puntland uga jira baarlammaanka Soomaaliya iyo guddoonka guddiga dib u eegista dastuurka, Caasha Geelle Diiriye, si loogala tashado arrinta.

COMMENTS