August 1, 2014 | Posted by admin


Xaflad loogu dabaal degayo sanadguuradii 16-aad ee aas-aaska maamulka Puntland ayaa ka socota magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), masuuliyiin ka tirsa maamulkiisa, Odayaal, waxgarad iyo dadweyne fara badan ayaa ka qeyb galay munaasabadda.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in Puntland ay ku tallaabsatay horumar iyo nabad, isagoo u mahadceliyay asaasayaashii maamulka Puntland oo uu ku sheegay in dadka reer Puntland ay gurteen natiijadii kasoo baxday.
Wuxuu u mahadceliyay ciidammada ammaanka iyo guud ahaan bulshada Puntland oo uu ku tilmaamay inay gacan ka geysteen nabadda iyo horumarka Puntland.
Cabdiweli Gaas ayaa xusay inuu caawa qudbad ka jeedin doono xaflad lagu qaban doono hoolka xarunta baarlamaanka Puntland, taasoo qeyb ka ah dabaal dagga 16 guurada kasoo wareegatay aas-aaskii maamulka Puntland.

COMMENTS