January 20, 2013 | Posted by admin

Maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey aqoonsiga buuxa ee dowladda Mareykanku siisay dowladda Jahuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Puntland oo qeyb ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed lagu soo dhaweeyey arrintaan, wuxuuna u qornaa sidan:

Puntland oo soo dhawaysay Aqoonsiga USA ee Dowladda Federaalka Soomaliya

WAR SAXAAFADEED

Dowladda Puntland waxay soo dhawaynaysaa hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Dowladda USA Hillary Clinton oo ku dhawaaqday inay Dowladda USA si rasmi ah u aqoonsatay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, oo uu hada hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud.

Puntland waxay u aragtaa go’aankii ay gaartay Dowladda USA talaabo taariikhi ah oo hormarinaysa xiriirka USA iyo Soomaaliya ahna talaabo ku dayasho mudan.

Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay u hambalyeynayaan Dowladda USA, Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo idil.

Puntland waxay ka qeyb-qaadatay door wayna ka ciyaartay dadaalkii caalamiga ahaa si uu dalkii Soomaaliya uga baxo xilligii ku meel gaarka, geedi-socodkaasoo ay ka mid ahayd ansixintii Dastuurka Federaalka Soomaaliya, dhisidii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka iyo doorashadii Gudoomiyaha Aqalka Hoose, iyo doorashadii Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay qeyb wayn oo muuqata ka qaadataa arrimaha ilaalinta iyo adkeynta nabadda, amaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

Puntland waxay ku dhiirigalinaysaa Dowladda USA iyo saaxibada kale ee Soomaaliya inay sii wadaan taageerada arrimaha nabada iyo xasiloonida, gargaarka bini’aadanimo, dowladwanaaga, iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha ee guud ahaan dalka Soomaaliya.

Dowladda Puntland waxay ka filanaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dhowrto kuna dhaqanto Dastuurka Federaalka, dalka wadaajiso taageerada caalamka ee barnaamijyada amaanka, hormariso dhamaystirka nidaamka Federaalka ee dalka Soomaaliya, taageerto dhisidda Dowladaha dhiman ee ka mid noqonaya Fedeeralka Soomaaliya, taageerto dib u heshiisiin heer Qaran, dhisto Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ka wakiil ah Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Dastuurka Federaalka, iyo inay dalka si nidaamsan u wadaajiso taageerada caalamka ee dhanka arrimaha gargaarka bini’aadanimo iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaale oo lagu bixiyo magaca dalka Soomaaliya

Ugu dambayntii, Puntland waxay ugu hambalyeynaysaa shaqadii wanaagsanayd ay qabatay Wasiirka Arrimaha Dibeda ee dalka USA Hillary Clinton intii ay ku jirtay siyaasadd

COMMENTS